Qaryaan Zeko
Acerca del Qaryaan Zeko
Magacaygu waa Abdirizak Mohamed Jama (Qaryaan Zeko).
Waxan ahay Hal-abuur ku maansooda afka soomaaliga ah ee hodanka ah.
Ujeeddada aan u sameeyey (App) kan, waa in aan ku gaadhsiiyo bulshadayda
Suugaan faa’iido u leh, kana hadalysa (D h i i r r g e l i n ta) iyo ku baraarugga nolosha,
Waxaa kale oo aad ka heli doontaan suugaan badan oo ka hadalysa
Nolosha midabbadeeda, wixii cusub ee aan soo kordhiyana waan soo gelindoonaa
In sha allah.
Waxa ka mid ah qaybta dhiirrigelinta :
Diinkuba tallaabuu rogaa taag yaraan socod.
Meel tuuryo gaadhuu ku tegi toban dharaaroode,
Adigoo ka tamar weyn maxaa talagal kuu diiday.
• Hawada sare xiddigo joogiyo,
• Adoo dayax hiigsanaaya.
• Ha siin hawadan sokeysa,
• Hankaaga daruurta joogta.
Qof kastaba hankiisiyo,
Intuu hawl-kar leegyahay.
Hadaf kaad ka garataa,
Gabagabo halkuu dhigo.
Ama ruux harraadoo,
Biyo lagu habaad noqon.
Ama maan hammuun qaba,
Oo yoolku hagayoo,
Garashadu hagtaad noqon.
Novedades más recientes 1.0
Información de Qaryaan Zeko APK
Versiones Antiguas de Qaryaan Zeko
Qaryaan Zeko 1.0
Descarga rápida y segura a través de APKPure App
¡Un clic para instalar archivos XAPK/APK en Android!