Daariz English

Daariz English

  • 25.7 MB

    Dateigröße

  • Android 5.0+

    Android OS

Über Daariz English

Barashadii Af-Ingiriisida oo la fududeeyey!

Qaybta barashada Af-Ingiriisida ee barnaamijka Daariz waxa loogu talogalay in aad ku barato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Ingiriisida. Af-Ingiriisida waad ka baran kartaa haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad hore wax uga taqaannay ba.

Ujeeddooyin badan ayaa loo bartaa afka Ingiriisida. Waxa ka mid ah in aad ku wanaagsanaato luuqadda kolka aad dugisga ku baranayso, iyo in aad ku kabto aqoonta shaqadaada ama aad shaqo cusub ku raadsato ba. Sidoo Grünkohl, Waxa loo Bartaa in aad kula sheekaysto dadyaw aad Wax ka dheefayso, ama ugu yaraan in aad maskaxdaada cariso oo aad barto af cusub.

Barnaamijkan waxa soo diyaariyay dad luuqaddan iyo dhigisteeda ba aqoon u leh. Waxa ku jira barnaamijka Daariz ee Ingiriisida casharro, laylisyo iyo imtixaanno xiiso leh oo xidhmo-xidhmo ah. Maadaama oo barnaamijkani yahay mid aan u baahnayn khadka internetka, goob kasta iyo goor kasta Waad ku baran kartaa.

La soo deg barnaamijka Daariz ee Ingiriisida:

● Si aad u koriso aqoontaada naxwaha, tirada ereyada aad taqaanno ama aad ugu tababarato ku-hadalka, akhriska iyo qoraalka Af-Ingiriisida.

● Si aad ugu guuleysato billado iyo geel kolkasta oo aad cutub dhammayso. Kula tartan saaxiibbadaa tirada geela ah ee aad hesho kolkasta oo aad mustawe ka gudubto.

Bilaw maanta oo go’aanso in aad barato ama kobciso aqoontaada Af-Ingiriisida. La soo deg barnaamijka Daariz ee barashada Ingiriisida.

Waxa aanu ku soo dari doonnaa barnaamijkan cutubyo cusub si aad mustawe hoose ilaa mid sare halkan wax uga barato. Arrinkani Waxa uu kaa caawin doonaa in aad barato maaddooyinka Kale ee ku qoran Af-Ingiriisida sida Xisaabta iyo Sayniska. Tani Waxa ay qof kasta u saamixi doontaa in uu iskii u dedaalo oo Wax u barto hadhaw na u fadhiisto imtixaanno lagu helayo shahaadooyin kala geddisan.

Mehr anzeigen

What's new in the latest 2.1.1

Last updated on 2022-12-27
Waxa aanu hagaajinnay cillado farsamo oo mihim ahaa. Waa ku kaa! Si xiiso leh u baro Af-Ingiriisida!
Mehr anzeigen

Videos und Screenshots

  • Daariz English Plakat
  • Daariz English Screenshot 1
  • Daariz English Screenshot 2
  • Daariz English Screenshot 3
  • Daariz English Screenshot 4
  • Daariz English Screenshot 5
  • Daariz English Screenshot 6
  • Daariz English Screenshot 7

Daariz English APK -Informationen

Letzte Version
2.1.1
Kategorie
Lernen
Android OS
Android 5.0+
Dateigröße
25.7 MB
Available on
Sichere und schnelle APK-Downloads auf APKPure
Mit APKPure können Sie Daariz English APK einfach und sicher mit Signaturüberprüfung herunterladen.

Alte Versionen von Daariz English

APKPure Zeichen

Superschnelles und sicheres Herunterladen über die APKPure-App

Ein Klick zur Installation von XAPK/APK-Dateien auf Android!

Download APKPure
thank icon
We use cookies and other technologies on this website to enhance your user experience.
By clicking any link on this page you are giving your consent to our Privacy Policy and Cookies Policy.
Learn More about Policies