Hir iyo Hiigsi
À propos de Hir iyo Hiigsi
Hir Aqooneed Iyo Hiigsi Nololeed, Waa Qormo Ka Warameysa Arrimo Badan Oo Muhiima
Qormadani waa midhihii hawl muddo dheer qaadatay; waxay ka turjumaysaa baraarujin dhinacyo badan leh. Waxaanay ku curratay dareen horumar jacayl iyo himilo dheer ku salleysan; badheedhihiisuna uu yahay hanaqaadka geedisocod aqooneed oo ku gabagabooba guul, badhaadhe iyo nolol wanaagsan.
Dhiganahani waxa uu astaan ollole u yahay, baahinta salka hore-usocodnimo iyo in cindiga bulshada lagu beagu rajo; si looga jiro fudaydsiga iyo inay dalka dillaalaan.
Hadalka ayaa wuxuu ku soo ururayaa dhalinyarta, kuwaas oo ah isha kaliya ee ummadan. Qormadani waa hir aqooneed, oo waxay soo bandhigaysaa arrimo iyo qodobo horreeya oo horumarineed; kuwaasoo ku dayasho iyo ka barashoba mudan. Sidoo kalena waa hiigsi nololeed, oo waxa ku suggan madhaafaan iyo hogatusayaal lagu badhaadho oo in la dhabeeyaa ay haboon tahay, kuwaasoo horkacaaya ifafaaleyaal
loo asteeyay sarreedada bulshooyinka.
Runtii waxaan afeef ka leeyahay, arragtiyo iyo soo jeedimo u gaar ah qoraha, oo ka duulaya wanaag, se laakiin aanay khasab ahayn à la waafaqaa. Qoraha qormada ayaa mas’uul ka ah wax kasta oo khalad ka yimaada. Sidaasoo ay tahay, raaligelin buuxda ayaa waxaan ka bixinaynaa, wixii kasta ee eed ’yeesha; taasoo ah kaliya dhacdo oo aan loo kasin.
Waxaanu ka cuddur daaranaynaa wixii kasta ee la fahmi waayyo. Hawshu si fiican bay ku gunaanadantay; haseyeeshee, intii diyaarinta iyo abbaabulka qormadu ay socotay, ayaa waxaa naga hor yimid caqabado dhowr ah. Ruggo-xogeedyada iyo asalka ama raadraaca umuuraha horumarinta, oo balaadhan awgeedna, waxaanu isku daynay inaanu kuwa ugu tayaysan wax wax kasoo xigano. Xogta qoran waxaa ka mid ah qeybo xigasho oo toos ah, waxaana weheliya jaantusyo; kuwaasi oo aanu si dhamaystiran uga raaligelinayno dadkii lahaa xuquuqdii lahaanshiyaha, waayo way noo suuro gali wayday inaanu si dhab ah u xaqiijino. Waxaanu se ka duulaynaa yool, oo waxaa halhayskayagu yahay hir aqooneed iyo hiigsi nololeed; halkaana waxaa ah waajib iyo inaanu soo gudbino wixii kasta ee aanu bidno wanaag, cidii kastaa ha yeelato’e, anaga oo dhowrayna lahaanshiyaha.
What's new in the latest 5.0
Informations Hir iyo Hiigsi APK
Vieilles versions de Hir iyo Hiigsi
Hir iyo Hiigsi 5.0
Téléchargement super rapide et sûr via l'application APKPure
Un clic pour installer les fichiers XAPK/APK sur Android!