Sheekh Isaxaaq

Sheekh Isaxaaq

  • 26.9 MB

    Tamaño de archivo

  • Android 4.0.3+

    Android OS

Acerca del Sheekh Isaxaaq

Sh.Isaxaaq wuxuu ku dhashay magaalada Samaara ee dalka Ciraaq sannadkii 488-Hijr

Magaalada Samaarra waxay ahaan jirtay Caasimada maamulka Cabbaasiyiinta sannadihii 221-278 Hijra (AD836-891) ka hor intaan caasimadda loo soo wareejin magaalada Bagdaad. Waxaana muuqata inuu Sheekh Isaxaaq magaaladaasi ku soo barbaaray, kuna bilaabay barashada diinta Islaamka iyo afka carabigaba.

Hase ahaatee duruufuhu umay saamixin inuu magaaladaasi ku sii noolaado. Waayo, isagoo weli caruur ah, ayuu awoowgii go 'aansaday inuu Ciraaq ka haajiro oo uu iskaga guuro, si uu uga fogaado meelaha maamulkaasi ka wado cadaadinta iyo xasuuqa.

Qoraalada xilliyadaasi ka warramayaana, waxay si faahfaahsan uga warramayaan cadaadiskii iyo xasuuqii lagu hayey dadka Aala-Baytka ah ee Xasan iyo Xuseen ku abtirsada, gaar ahaan culimada waaweyn.

Taasoo abuurtay inay culimo badani isqariyaan ama ay ka haajiraan dalka Ciraaq.

Sannadkii 498 Hijra (AD1105) ayuu Maxamed bin Xuseen oo Awoow u ahaa Sheekh Isaxaaq ka soo haajiray magaalada Samaaraa ee dalka Ciraaq.

Waxaana la socday dhammaan xaasaskiisii, carruurtiisii, iyo wixii ay sii dhaleen, oo isugeynta tiradoodu kor u dhaaftay 90 qof. Waxayna u soo haajireen magaalada Madiina. Sagaal wiil oo saddex bahood kala ah ayuu dhalay Maxamed bin Xuseen oowo u ahaa Sheekh Isaxaaq.

Mostrar más

Novedades más recientes 3.0

Last updated on 2021-10-21
Waxaanu Ku Soo Kordhinay:
Muuqaalka Hore Oo Aanu Qurxinay...
Android 6 kana Waa Lagu Isticmaali Karaa Hadda...
Mostrar más

Vídeos y capturas de pantalla

  • Sheekh Isaxaaq Poster
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 1
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 2
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 3
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 4
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 5
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 6
  • Sheekh Isaxaaq captura de pantalla 7

Versiones Antiguas de Sheekh Isaxaaq

APKPure icono

Descarga rápida y segura a través de APKPure App

¡Un clic para instalar archivos XAPK/APK en Android!

Descargar APKPure
thank icon
We use cookies and other technologies on this website to enhance your user experience.
By clicking any link on this page you are giving your consent to our Privacy Policy and Cookies Policy.
Learn More about Policies